Adiga, qof weyn ahaan muhiim ayaa utahay bulshada. Xilliga xagaaga, carruurteenna iyo dhallinyarradeena banaan joogistooda ayaa badan, banaan imaashadiina isbedel weyn ayee keyneysaa. Kordhinta, banaan imaashada dadka waa weyn bulshada waxay ku leedahay saameyn xoogan xagga amniga waxayna siisaa fursad fiican qofka dhallinyarda ah inuu wax qalad ama rabsahdo ah in uu bulshada dhaxdeeda ku sameynin intoo ujeedo qof weyn.
Markaad tahay qof weyn, waxaad gacan ka geysan kartaa kordhinta nabadgelyada dadka kale adoo bannaanka u soo baxaya qaasatan jidadka iyo xaafadaha. Badi socodka baanaanka adoo whelsanaayo kuwa kale. Dabcan, waa inaan iska ilaalinaa inaan isla soo aadno kooxo badan, balse waxa rabnaa dadbadan oo rabaan iney banaanka iskula kulman meelaha dadka badanaa iskuugu imaadaan.
Amniga iyo nabadgelyada waxey qeyb ka tahay degmada shaqadeyda sidaas darteed shaqaalo badan oo degmada ka shaqeeyo ayaa banaanka isugu soo bixi doono. Ayagoo banaanka joogi doono ku dhawaad xilliga gabalka oo dhacaayo iyo habeenada qaar xilli danbe. Sidoo kalne dhaqdhaqaaq badan ku sameyn doono meesha ee dhalinyarada iskugu imaato.
Hadaad rabto inaad laxiriirto shaqaalaha degmada, waxaad soo wici kartaa teleefonka amniga 0721-419001. Sidoo kalane haddii aad u baahan tahay inaad la xiriirto degmada inta lagu jiro saacadaha shaqada, waxaad wici kartaa qaybta soo dhaweynta adeegyada sooshalka ee xafiiska degmada: 0523-613000.
Haddii ay dhacdo xaalad deg-deg ah ama dambiile socda, waxaa jira lambarka ah 112 oo la wici karo. Had iyo jeer booliska ayaa mas'uul ka ah dhowrista kala dambeynta bulshada iyo dhexgalka haddii ay dhacdo rabshooyin ama dambiyaal.
Markaad u warbixinaysid booliiska ama tallooyin faldambiyeed, wac 114 14.
Waxa kale oo aad u wici kartaa lambarka macluumaadka qaran ee 113 13 si aad talo u siiso, u wayddiiso ama uga warranto dhacdooyinka la xiriira bulshada.
Inbadan oo inaga mid ah oo sida joogta ah wax u qabta, ayaa waxey ka hortageysaa khatarta ah in dhallinyaradeenna ay ku dhacaan xaalado aan fiicnayn.
Macluumaadka laga soo xigtay BRÅ, ka akhriso wax dheeraad ah: